Warbixin uu diyaariyey machadka Per Kaman ee arrimaha bulshada iyo Internet-ka ee hoos taga jaamacadda Harvard ee dalka mareykanka ayaa lagu sheegay in weerarada iyo beegsiga lagu hayo website-yada ay adeegsadaan ururada xuquuqul insaanka kor u sii kacay toddobaadyadii la soo dhaafay.
Machadka ayaa ku booriyey ururada xuquuqul insaanka iyo kooxaha warbaahinta madaxa banaan in ay xoojiyaan difaacyadooda si ay uga fogaadaan in ay dhibaatooyinka uga timaado burcada elektorooniga.
Daraasad uu sameeyey Machadka ayaa lagu sheegay in 280 website la jabsaday islamarkaana la burburiyey inta uu dhexeysay 2009-2010.
Ethan so Kerman oo ah ninka diyaariyey warbixinta ayaa sheegay in weerarada ay qaadayaan burcada elektorooniga ay soo badanayaan xitta ay beegsanayaan website-yada wax ka qora doorashooyinka, taasi oo aan lagaran sababta keentay.
Warbixinta ayaa tilmaamaysa in website-ka wargeyska Nofaaya Gazette oo ah wargeys madax banaan la jabsaday xogti ku jirtay.
Kuxigeenka tafatiraha wargeyska ninka lagu magcaabo Serjee Sokolov ayaa sheegay in uusan garanayn cidda weerarka ku qaaday website-kooda balse uu ku tuhmaya kooxaha dhalinyarada ee ka amar qaata aqalka madaxtooyada ruushka in ay ka dambeeyeen falka burcadnimo.
Sokerman waxa uu intaas ku daray in ururada iyo warbaahinada madaxa banaan ee bilkasta iska bixiya 35 dollar ay website-yadooda ay ka nabad galeen weerarada kaga imanaya burcada elektorooniga.
You must be logged in to post a comment.