Gabadh ku sawiran kunka shillin waxaan ku noolahay raashinka bisil ee kaamamka

Ijaabo Sugule Xalane waa mid ka ah gabdhaha ku sawiran lacagta kunka shilinka Soomaaliga ah ee farsameynaya farshaxanka hidaha iyo dhaqanka dalka, waxay darajadaas ku muteysatay 15 boos oo sida ay sheegtay ay siisay Dowladdii dhexe ee dalka ka jirtay. Gabadhii Nasiibka u yeelatay in sawirkeeda wax lagu iibsado waxa ay haatan ku nooshahay Aqal Soomaali ay ka dhex sameysatay Shaleemo Shenteraale ee degmada Xamar weyne, da’deeda oo 75 jir ah waxaa u wehliya... 

Xaaladda abaaraha ka jira dalka iyo cuna qabateynta Al-Shabaab oo masiibo Qaran u xuub siibtay

Maalinba maalinta ka dambeysa waxaa soo kordhaya waxyeelada sii baaheysa ee abaaraha ka jira gobolada dalka oo galaaftay in ka badan 5000-Neef oo u geeriyooday abaarahaasi, kaddib markii ay waayeen calafkii ay ku noolaan lahaayeen iyo waliba roob la’aan sababtay in wax dalag ama cowskii ay xoolaha cunayeen aanay soo bixin sadexdii sano ee u dambeysay. Guddi iskiis isku xilqaamay oo ka tegay magaalada B/Dheere ee gobolka Gedo ayaa kormeer ku tegay degmooyin... 

Sargaal u shaqeynayay xarun caafimaad oo lagu xiray Ceelbuur

 Ciidamada Xarakada Al Shabaab ayaa degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud waxaa ay ku xireen nin ka shaqeynayay xarun Caafimaad oo lagu daaweeyo haweenka, iyo Caruurka la ildaran nafaqo darida oo kutaala degmadaasi. Wararka ka imaanaya degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Xarakada Al Shabaab xalay saqdii dhexe guri kuyaala Xaafadda Waaberi ee degmadaasi ay ka kaxeysteen sargaal ka shaqeynayay MCH qaabilsan caafimaadka kaasi... 

Afhayeenka odayaasha iyo midnimada Beelaha Hawiye oo ujawaabay Alshabaab

Afhayeenka Odayaasha dhaqanka iyo midnimada Beelaha Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye Cali ayaa waxaa uu wax laga xumaado ku tilmamay hadal dhawaan kasoo yeeray gudoomiyaha Al Shaabab ee gobolka Galgaduud. Kadib markii Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise Kabakudukade oo ah gudoomiyaha gobolka Galgaduud ee Xarakada Al Shabaab maalin ka hor banaanbax lagu taageerayay midoobistii Shabaab iyo Xisbul Islaam oo ka dhacay degmaeda Ceel-dheere uu ka jeediyay tix gabay ah uu ka... 

Nabadoonada iyo Waxgaradka gobalka Bari oo baaq udiray Dowlada puntland

Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ee gobolka Bari ayaa Masuuliyiint Maamul goboleedka puntland ugu baaqay inay wax ka qabtaan abaaraha ka jira deegaanda Maamul goboleedka Puntland. C/casiis Afgaduud oo ka mid ah Odayaasha dhaqanka gobolka Bari oo u waramayay maandeeq media ayaa ugu baaqay dowlada  Puntland in ay muujiso kaalinta kaga aadan wax ka qabshada abaaraha ka jira qeybo ka mid ah deegaanada gobolka Bari kuwaasi oo saamayn balaaran ku yeelashay dadka... 

Qoysas barakacayaal ah oo eedeeyay Maamulka Gobolka Banaadir

Qaar ka mid ah qoysaska Barakacayaasha ee ku nool Magaalada Muqdisho ayaa musuq maasuq dhinaca gar gaarka ah ku eedeeyay Maamulka Gobolka Banaadir ee dowladda KMG Soomaaliya. Qoysaskaani barakacayasha ah ee oo ku nool Warshadii hore ee Daawada ee Magaalada Muqdisho ayaa ugu horeyn ka cabanaya dhibaatooyin adag oo la xariira dhanka nolosha, waxeyna eedeyn u soo jeediyeen Maamulka gobolka Banaadir ee dowladda KMG Soomaaliya, iyagoo ku eedeeyay in Maamulku uu... 

Mid kamid ah qoyska boqortooyada sucuudiga oo iibsaday hotel ku yaal Paris

Shirkad lagu magacaabo Loofar ee hoostagta sunduuqa mareykanka Start Wood ayaa shaaca ka qaaday in mid kamid ah qoyska haya talada boqortooyada sucuudiga oo lagu magcaabo Amir Sucuud waliid Bin Dalaal uu ku iibsaday Hotel Karyoon ee ku yaal fagaaraha Konkoor ee magaalada Paris lacag dhan 250 malyuun oo euro.   Bayaan hor dhac ah oo ka soo baxay heshiiska mulkiilaha hotelka iyo amiirka ayaa sheegaya in lacag dhan 100 malyan oo euro oo dheeraad ah uu amiirku... 

Xarakada alshabaab ayaa urur weynaha Alqacida ugu baaqday In ay kala qaybqataan dagaalada ay kula jiraan Ciidamada Amison iyo DKMG ee soomaalia

  Kadib munaasabad Shalay galinkii Dambe ka dhacday gudaha magaalada Muqdisho ay qabteen ururkii xisbul islam ee la midoobay alshabaab iyo masuuliyiin ka socda xarakada al shabaabb ayaa waxaa ay ka dhacday gudaha magaalada muqdisho  kulankaasi ayaa waxaa ka hadlay af hayeenka xarakada al shabaab  Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) Asagoo markaa baaq ujeediya urur weynaha alqaacida  Ee ka hawl gala Dunida inteeda kale  asaga oo ugu baaqay ... 

Ciyaarihii Galabta Dhacay natiijadoodii sida ay udheceen

Ciyaaro aad iyo aad loo wada sugayay islamarkaana aheyd mid ay taareero yaal afar geesood ah ay wada sugayeen ayaa waxaa ay maanta ka dhacday garoonka kubadda Cagta Mire Awaare ee magaalada Garoowe oo ay ka soconayaan Ciyaarihii 18aad ee gobolada Soomaaliya.   Ciyaarahaasi waxay ahaayeen kuwo Kooxdii Badisaaba ay soo baxeysa halka kooxda laga badiyana ay Diyaaradey ku yimaadeen raacayso, inkastoo aysan meesha ka marneyn dhibco tiris.   Waxa ay ciyaarahaasi... 

Abaaro baahsan oo ka taagan qeybo ka mid ah gobolka Bari

Abaaro baahsan oo saamayn ku yeeshay dadka iyo duunyada ayaa waxaa laga soo sheegayaa qeybo ka mid ah gobolka Bari, iyadoo qaar ka mid ah dadkii ay saameeyeen abaarahaasi ay isaga barakaceen deegaanadaasi. Dhibaatooyinka ugu daran ee iminka dadku ay ka cabanayaan xiligaan waxaa ka mid ah biyo la’aan, iyadoo dadka aysan heli karin biyo nadiif ah oo ay cabaan madaama in mudo ah uu wax roob ah ka da’in deegaanadaasi. Dadka qaar ayaa bilaabay in ay isaga barakacaan...